Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Maxay ku kala Duwan Yihiin Gudiga Ololaha Xisbiga Kulmiye Ee Awdal 2010 iyo kuwa Maanta.



Thu 02 November 2017.

Toddoba sano kaddib xukunka Soomaaliland uu gacanta ku hayay xisbulxaakimka wakhtigan ee KULMIYE ayaa mar kale waxa dalka olole siyaasadeed oo ay xisbiyada qaranka ee wakhtigan oo kala ah Kulmiye ,UCID,IYO WADDANI ugu loolamayaan sidii ay kursiga madaxtooyada dalka u hanan lahaayeen.

Toddoba sano kaddib oo ay doorashada madaxtooyada dhacayso 13ka bishan,isla markaana xisbulxaakimka wakhtigani Kulmiye doonayo inuu mar labaad kursiga dalkan ugu sarreeya kusii fadhiyo isagoo Madaxweyne siilaanyo ka maqanyahay ,beddelkiisana kursigaasi u haatan u loolamayo Guddoomiyaha xisbiga kulmiey ahna musharaxa madaxweynaha Muuse Biixi ,ayaa sidoo kale waxa meesha ka maqan xisbulxaakimkii hore UDUB halkiisiina uu galay xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ikyo musharaxiisa C/raxmaan Cirro ,kaasoo loolan adag kula jira Kulmiye.
haddaba iyadfoo doorashadaasi ay ka hadhay oo keliya wax kia yar toban casho ayaa daafaha dalka waxa ka socda olole xooggan oo taageerayaasha xisbiyadaasi kusoo bandhigayaan awooddood ,iyadoo ay xisbiyadaasi dabada ka riixayaan siyaasiyiin loogu magac daray Guddiga ololaha doorashooyinka ee xisbi hebel lagana doonayo inay awoods siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba kusoo jiitaan taageerayaal guusha kursigaasi u keeni kara.
Gobolka awdal ayaa haatan ololaha siyaasadda xisbiga kulmiye waxa ka wada guddi la magac baxay guddiga ololaha doorashada xisbiga kulmiye ee G/awdal oo u madax u yahay Wasiirka Xidhiidhka golayaasha axmed Xaaji daahir.iyo xubno golaha wasiirada kaga jira g/awdal.

Haddaba marka le eego guddiyadii olaha ee wakhtigii xukuumaddii rayaale u ololeyn jiray xisbulxaakimka wakhtigan ee kulmiye iyo kuwa maanta u ololaynaya xisbigaasi ayaa cid kkastaa garan kartaa faraqa u dhexeeya isla markaana guddigii ololaha ee xisbiga kulmiiye gaadhsiiyey xukunka dalku ka facfac roonayaan kuwa maanta .Dhinaca kale marka la eego taageerayaasha xisbiga lkmiye ee wakahtigan lana barbardhigo kuwii waagaasi ama toddoba sano ka hor ayaa cid kastaa garan kartaa inay kuwa maanta ka tiro badanyihiin kuwii .

markaan dib u eegno guddigii olaha kulmiye ee hore oo an ka xusuusto M/weynekuxigeenka dalka C/raxmaan saylci,Ismaaciil Muumin aare ,dacar ,ibraahim qaalib,iyo Oomane ayaa mla ogaa sidii ay ula loolamayeen xisbulxaaki mkii UDUB oo haystay 80% taagerayaasha gobolka ,halka maanta oo xisbigaasi gobolka ku leeyahay taageero badan iyo guddigiisa ololaha oo ka liita kii waagii hore oo ka tiro yaraa kana awood yaraa dhinaca dhaqaalaha.

In kastoo Guddiga ololaha xisbiga kulm iye ee waakhtigan ay dabada ka riixayaanqaar ka mid ah raggii toddoba sano ka hor xisbulxaakimkii hore ee UDUB u qaabilsanaa ololahan oo kale awood ku lahaa gobolka ayaa dhi naca kale Marka la isbarbardhigo qaabka uu u hawlgalo guddigii KULMIYE ee waagaasi iyo sida maanta guddigani u hawlgalo ayaa ah laba shay oo kala fog .

Waa tan koowaade guddiga maanta waxa hadheeyey khilaaf badan ityo muran badan halka kuwii hore isku duubnaayeen.qaabka uu u shaqeeo guddiga xisbiga kulmiye ee maanta oo goldaloolooyin b adani ka muuqdaan ,sida xafiisyada xisbigaasi anay magaalada uga wada muuqan , astaamaha xisbiga ee ka muuqda taageerayaasha xisbiga oo si weyn loogu kala duwanyahay,isla markaana an la wada gaadhsiinin xafiisyada iyo taageerayaasha magaalada ee xisbiga. ,bisaarad ka muuqata xarumaha iyo xubnaha guddigaasi , xamaasadda siyaasadda oo u ka hooseeyo kan mucaaradka siiba Waddani ,abaabulka taageerayaasha iyo farsamada oo dhaliilo ka muuqdaan iyadoo marmarka qaarkood ay dhacdo in goob ka mid ah goobaha xisbiga laga waayo makarafoon lagu hadlo iyo siyaasiyiin ka hadasha lagana kala dareero .,

waxase arrimahaasi kasii daran isu imaatin la'aanta guddiga ololaha oo xubno ama xubin ka mid ah guddigaasi ku keliyeysato ,waxa keliya ee guddigan hawshiisa badi asturayaayi yihiin garabka haweenka oo ay ku jiraan kuwa dedaal xoog leh muujinaya, sidaa darteedna loo qaadan karo in hadii xisbiga kulmiye ku guuleysto doorashooyinka madaxtooyada ay noqon kaarto mid xagga Ilaahay iyoi dedaalka haweenka xisbigaasi ku timi hadiise ay dhacdo inuu guuldarraysto ay ku dhacayso qaddarka Ilaahay iyo guddigan ololaha kulmiye ee gobolka Awdal.
maxamed cumar (hayna)



Views : 29



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines