Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Oo Mooshin Laga Keenay.



Thu 02 November 2017.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in illaa 50 Xildhibaan ay saxiixeen mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaannada aya madaxweynaha Koonfur Galbeed ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo ku tumasho dastuurka maamulkaas iyo kan dowladda Federaalka.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in xilligan xildhibaanada iyo madaxweynaha Koofur Galbeed aanu wada shaqeyn ka dhaxeyn, isla markaana xilkii loo igmaday uu gudan waayay.

Xildhibaanada Koofur Galbeed ayaa maalmihii la soo dhaafay ku kala qeybsanaa mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan, waxaana tani ay ka dhigan tahay in Xildhibaanadii mooshinka saxiixay inay gaareen hadafkooda koowaad.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka jiray dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, waxaana la sheegay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ay magaalada Baydhabo u joogaan arrimo la xiriira ololaha ka dhanka ah Shariif Xasan.

Lama oga xaalada siyaasadeed ee ka jirta Koofur Galbeed halka ay ku dambeyn doonto, waxaana Shariifka xilligan la sheegay inay xaalada ku xun tahay, maadaama uu wajahayo mucaarado xooggan.



Views : 18



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines