Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Odayaasha Dhaqanka Ee soo Xulay Baarlamaanka D.F.S.Oo War saxaafadeed kasoo Saaray.(Akhriso)



Thu 02 November 2017.

Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ka soo saaray war saxaafadeed ka kooban dhowr qodob oo ay uga hadlayaan xaalada dalka.

Qoraalka ka soo baxay Odayaasha dhaqanka ee 135-ta Oday ayaa waxay taageero u muujiyeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, sidoo kale waxaa ay soo dhoweeyeen martiqaadka uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada inay Muqdisho isugu yimaadaan shir wada tashiga ah.

Odayaasha ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay dar dar geliso wada hadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay taageero, hiil iyo hoo la garab taagan yihiin Ciidamada qalabka sida, waxaa kaloo ay ugu baaqeen Beesha Caalamka inay si buuxda u taageerto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka ka soo baxay odayaasha dhaqanka ee 135-ta oday



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines