Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Magaca iyo Sawirada Ninkii ka Gaystay Weerarkii Xalay ka Dhacay New York Oo la Shaaciyay.



Wed 01 November 2017.

Nin waday Gaarigii xalay dad badan ku dilay waddo aad mashquul u ah oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka,ninkaasi oo lagu magacaabo Sayfullo Saipov oo 29-sano jir ah asal ahaana kasoo jeeda dalka Uzbekistan, ninkan ayaa Maraykanka tagay sanadkii 2010-kii, isaga oo dhashay sanadkii 1988-dii.

Weerarkan gaariga loo adeegsaday waxaa ku dhintay Illaa 11 qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, kuwaa oo lagu daweenayo xarumaha Caafimadka.

Waxaa la rumeysanyahay in uu ku noolaa gobolada Ohio, Florida iyo New Jersey tan iyo intii uu heley kaarka cagaaran ee u fasaxaya in uu ka shaqaysto dalka Maraykanka.

Wadaad Uzbek ah oo Maraykanka ku nool oo lagu magacaabo Mirrakhmat Muminov ayaa sheegay in wiilkan ay duufsadeen kooxo xag jir ah oo internetka uu kala xiriiray.

Wadaadkan oo BBC-da u waramay ayaa sheegay in qiyaas ahaan 70,000 qof oo Uzbek ah ay ku noolyihiin Maraykanka, kuwaas oo badankood ku nool magaalada New York oo uu weerarka ka dhacay.

Markii ugu horaysay oo ninkan uu sharciga ku xad gudbay ayaa ahayd sanadkii hore, xiligaas oo lagu ganaaxay xadgudub xagga gaadiidka ah.

Waxaa la rumeysanyahay in uu ka kici doono dhaawaca xabbada booliiska, kadibna la waraysan doono.

Waxaa jira aragtiyo la qabo oo ah in ninkan uu kaligiis maleegay weerarka, oo aysan jirin qorshe balaaran oo weerar lagu geysanayo, ama ay jirto cid soo abaabushay si toos ah.

Ninkan ayaa ka yimid magaalada Peterson, New Jersey, halkaas oo uu gaariga kasoo kireysay, islamarkaasna ay ku noolyihiin illaa 30,000 kun oo muslimiin ah.

Wasaarada arrimaha dibedda ayaa sheegtay in ay baareyso in ninkaas uu yahay nin dalkooda u dhashay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay weerarka.

Haddii la xaqiijiyo dalka uu u dhashay ninkan in uu yahay Uzbepakistan, ma noqon doono qofkii ugu horeeyay ee dalkan u dhashay ee weerar lagu eedeeyo, sanadkii hore waxaa 15 sano oo xarig ah lagu xukumay weeraro uu ka qorshaynayay gudaha Maraykanka.

 



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines