Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Shan Saaxibo Argentiniyiin ahaa Oo ka Mid Noqday Dadkii Lagu Diley Weerarkii New York.



Wed 01 November 2017.

Shan ruux oo saaxiibo ahaa oo u dhashay dalka Argentine ayaa ka mid noqday dadkii lagu dilay weerarkii gaariga loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada New York.

Dhimashada shanta qof ee Argentiniyiinta ahaa ayaa waxaa xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Argentine,Waxayna qeyb ka ahaayeen 10 qof oo New York u tegay dabaaldegga sanad guurada 30-aad ee ka soo wareegatay markii jaamacadda ay ka qalin jebiyeen.

Sida wasaaradda ay sheegtay, ragga oo dhan waxay da’dooda u dhexeysay 48-49 sano. Kuwa dhaawacmay ayaa weli lagu daawaynayaa. Mid ka mid ah dadkii dhintay wuxuu u dhashay dalka Belgium, halka labada kale aan weli la sheegin dalka ay ka soo jeedaan.

Weerarkan ayaa waxaa ka dambeeyay nin 29 jir ah oo asal ahaan ka soo jeeda Uzbek,waxaana dhaawacay Booilska markii uu ka degey gaarigii uu dadka ku jiirsiiyay.

Warbaahinta ayaa ninkaa baabuurka waday magaciisa ku sheegtay Sayfullo Saipov, waxaanay sheegtay in uu dalka Maraykanka u haajiray sannadkii 2010-kii.



Views : 25



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines