Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Caruusad Lagu Qasbay Guurka Oo Sun ku Dishay 15 Qof Oo kasoo Qayb-galay Arooskeeda.



Wed 01 November 2017.

Booliiska Pakistan ayaa xiray haweenay aroosad ahayd, taas oo markii lagu guda jiray arooskeeda sun caano ugu dartay dadkii ka qaybgalayay, halkaasna ay ku dhinteen illaa 15 qof.

Booliiska waxa ay sheegeen in Asiya Bibi ay sunta u qastay ninkeeda, balse uu isaga cabi waayay caanaha, badalkiisa ay cabeen dadkii xafladda kasoo qeybgalay oo u badnaa qaraabada ninka.

Haweenaydan ayaa lagu qasbay guurka , waana wax iska caadi ah dadka fuqurada ah ee dalka Pakistan.

Warbaahinta dalkaas ayaa sheegtay in Asiya ay dhawr jeer isku dayday in ay baxsato balse ay u suurtoobi weysay.

Sideed qof oo kale ayaa isbitaalka u jiifa sunta ay cabeen magaalada Multan ee dalka Pakistan.

Taliyaha booliiska degmada Muzaffargarh Aweys Axmed Malik ayaa sheegay in nooca sunta ay haweenayda isticmaashay la ogaan doono oo kaliya marka baaritaan lagu sameeyo.

"Dadka la xiray oo dhan waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira argagixisada, sababtuna waa in dadka deegaanka aysan ku dhiiranin in ay sameeyaan falalka galaafan kara nafta dad badan" ayuu yiri Mr Aweys.

Balse maxkamadaha ayaa qodobka argagixisada meesha ka saara inta badan marka dambe.



Views : 24



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Akhriso; War Saxaafadeed Maraykanku ku Sheegay Inuu Somaliya ku Diley 100 ka Tirsan Alshabaab.