Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Dacwad ka Dhan ah Heshiiska Puntland Iyo Shirkada P&O Port Oo loo Gudbiyay Madaxda Dawlada Somaliya.(Akhriso)



Wed 01 November 2017.

Waxgaradka beelaha Dega gobolka Bari ayaa si kulul uga soo horjeestay Heshiiska ay wada gaareen Maamulka Puntland iyo Shirkada P&O port ee laga leeyahay dalka Imaaraatka.

Maamulka Cabdiweli Gaas ayaa shirkadan laga leeyahay dalka Imaaraaka Carabta ku wareejiyay maamulka Dekadda weyn ee magaalada Boosaaso, waxa uuna Gaas taa badalkeeda ka qaatay Shirkadan dhaqaalo badan.

Qoraal ay soo saareen kuna saxiixan yihiin Waxgaradka Beelaha dega Puntland ayey kaga soo horjeesteen Shirkadan lagu wareejiyay Maamulka Dekadda Boosaaso, waxa ayna Dacwad u gudbiyeen Madaxda dalka ugu sareysa sida Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyre.

Cabashada Waxgaradka gobolka Bari ayaa kusoo aadeysa xili ku dhawaad mudo isbuuc ah ay xiran tahay Dekadda magaalada Boosaaso, kadib markii shirkada lagu wareejiyay dekadaasi lacago dheeraad ah kusoo rogtay ganacsatada wax kasoo degsata Dekadda .

Halkan ka Akhriso Qoraalka Dacwada ah ee kasoo baxay Waxgaradka Puntland



Views : 21



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.