Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Nin Watay Baabuur Oo Si Ula kac ah Dad Badan ku Jiirsiiyay Magaalada New York.(Sawiro)



Wed 01 November 2017.

Nin watay gaari kuwa xamuulka ah ayaa xalay dad badan ku dilay waddo aad mashquul u ah oo ku taalla magaalada New York ee dalka Mareykanka, kadib markii uu jiirsiiyay gaarigii uu watay.

Weerarkan Gaariga loo adeegsaday waxaa ku dhintay 8-qofood , waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, kuwaa oo lagu daweenayo xarumaha Caafimadka.

Ciidamada Booliiska oo soo gaaray goobta uu weerarku ka dhacay ayaa caloosha ka dhaawacay ninka dadka gaariga jiirsiiyay oo sidoo kale watay biskoolado fake ah, waxaana ninkan hada lagu daweenayaa xarun caafimaad oo aad loo ilaalinayo.

Weerarkan waxaa fuliaya nin lagu magacaabo Sayfullo Saipov oo 29-sano jir ah Asal ahaana kasoo jeeda dalka Uzbekistan , ninkan ayaana xiliga uu dadka gaariga jiir siinayay ku dhawaaqayay Kalmada Allaahu Akbar.

Dowlada Mareykanka ayaa rumeesan in weerarkan uu yahay mid argagaxiso ay ka dambeeyeen kooxda Daacish, waxaana weeraro nuucan ah kooxdan horey uga geesatay Wadamo Yurub ku yaala.



Views : 20



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines