Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamanaka Galmudug.(Sawiro)



Wed 01 November 2017.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad.

Kulankan ayaa ahaa mid looga hadlayay xal u helida khilaafka Galmudug, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu bilaabo waan waan uu ka dhex wado Madaxda Galmudug ee uu khilaafka u dhaxeeyo.

Wararka ayaa shegaya in kulanka Madaxweyne Farmaajo uu la qaatay Mas’uuliyiintan uu horudhac u ah kulan Madaxtooyada qaban qaabineyso oo ay isku keeneyso Madaxda Galmudug ee uu khilaafka u dhaxeeyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmo ka hor Mas’uuliyiintan ugu yeeray inay yimaadaan magaalada Muqdisho, si wadatashi loola yeesho, isla markaana loo xaliyo khilaafka ka jira Galmudug.

Khilaafka ka dhex bilowday maamulka Galmudug ayaa ka dhashay go’aankii Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ku taageeray isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana go’aankaas ka hor-yimid Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.



Views : 23



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines

Daawo Musharac Ciro Oo ku Goodiyay Inaan Lagu Dhawaaqi karin Natiijada Dorashada Inta Tabashadiisa La Dhameeyo.