Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement

NBA News and Scores

xayawaanka qaar-baa jira cadarku dilo oo digo shifeysaa 7 dan hirgalay baan ku beeninayaa kuwa yidhi reer Awdal wey eedeen xukumada kulmiye!! Dr.khadar-Libaaxley.



Sun 15 October 2017.

Weysadu ragbay kaga jabtaa weedh illaah yidhi

Waxkastoo wanaag ah ragbay weyrax galiyaan.

Weecaanta qaar baa ka jecel roobka kii wacan

Watiin iyo rag bay waran ku yihiin weylin iyo ruum.

Wadadaa wacan ee aaan hayno waxa jira duul wadeecaysan

Oo aaney waafi la’ahayn.

 

 

Maanka, miyirka qabka iyo garashada eexda ka fog waxa si lilaahay farta ugu fiiqaan garashada togan iyo halbeeg tusiyaha saxda ah ee tilmaamaya 7 sano ka hor AWDAL; dhanka:

 

  1. Dhismaha dariiqyada: wadooyinka Borama dhexdeeda, ta eraboodhka illaa jamacada iyo ta Borama illaa Dilla ee dhamaantood hirgalay sabankan xukuumada kulmiye.

 

  1. Dhismayaasha xarumaha dawlada ee gobolka: xafiisyada dawlada ee cusub ee markii ugu horeysay tariikhda ka hirgalay gobol awdal ee dhamaantood fooqyada wada ah guriga martida ee Borama oo 2ba dabaq ah, ka maaliyada oo 2ba dabaq ah, ka waaxda socdaalkee lawyacado oo laba dabaq ah iyo xarunta kastamka saylac oo cusub , iyo xarunta cusub ee dhismaha jeelka weyn ee Borama waliba ku darso dadkii reer awdal oo aad u fahmay nidaamka dawladnimado iyo kuwii ka xumaa in wax la fahmo ama wax u soo kordhaan dadka iyo gobolka oo hadhka ladi kari la’ ayaa muuqda maanta.

 

  1. Dhismayaasha xarumaha caafimadka iyo qalabeyntooda : 75% degma kasta iyo tuulo walba waxa ka tisqaaday adeega caafimaad oo haqab beel ah kaasi oo 7 sanno ka hor ahaa goof madhan oo aan xataa haabka bulshada ka maqnaa, maanta degma walba waxa jooga ( Ambulance ) gaadhi u adeega qofkasta oo u tabaaleysan sabab caafimaad daro ( Buur iyo Banaanba) waxa intaa u dheer dhismayaasha dugsiyada hoose dhexe iyo rugaha nabadgalyada degma kasta oo horay la’aad u ahaa.

 

  1. Hirgalinta 12 ceel Biyood oo riigag ah oo dhamaantood kawada hirgaley gobolka Awdal oo wax sheegiisu ugu qiima badanyahay ( in markii ugu horaysay taariikhda degmada saylac biyo macaan lagu cabo iyadoo turkigii iyo ingiriisba ay ka caal waayeen, sababtuna tahay ceelka riiga ah ee duleedka saylac biyaha looga qoday).

 

  1. raashin qaybintii iyo mucaawimooyinkii ugu badnaa abid ee gobolka mii iyo magaalaba wada gaadha iyo samata bixintii abaaraha iyo dadkii ay tabaaleysay .

 

  1. dhanka xillalka ku dhawaad 40 xill oo dawlada dhexe ah oo isugu jira kuwo hoose, kuwo dhexe illaa gudoomiye xigeenka golaha wakiilada oo ah kii u dambeeyey ee u soo kordha dadka reer Awdal ; oo dhamaantood ah xillalkii ugu badnaa taariikhda ee soo mara reer awdal.

 

  1. Bilaabida hal-abuurka Nabadeynta beelaha gobolka , isku soo dhaweyntooda iyo fahamsiinta muhiimada ay leedahay isdhexgalka, nolol wada dhiska iyo diyaar garowga horumarkooda si ay noloshooda maanta mid ka wacan ugu tanaadaan bari.

 

 

 

Gunaanada:

 

Karaan kayga aragtida anigoon cidna ugu kiil boodin kaatun dahab ah kuma doorsan karo kuraha maarta ah, kala wacan kabriid qoyaya iyo kaan ku nasanay; waxqabadkan wada hirgalay ee aan shalay jirin waa suuragal wax badan oo aan ka tagay in aan qoro ama aan xasuustayda ka habsaamay markaan ku dareerinaayey qormadan qoraalka hayeeshee kuwo kale ayaan ku dari doonaa ee idina illa gaaxda xasuusta dhankiina akhristayaasha mudanow!!

 

Maanta ma’aha maalin qof mucaarid ah dhiiran karo ama uu han iyo hami ka galo wax aanu xog-ogaalba u aheyn, iska dheh iyo waa la caaridaa oo kaliya mooyaane; masaxaada waxqabadka kulmiye ee gobolku haduu niyad idinka yahay waa hubaal in aad shabahaysaan ( xayawaanka qaar kuwa ku dhinta cadarka digada ama saxaraduna shifo ay u tahay ee ku caafiya ) abuurta basharkay ka mid tahay kuwo wanaaga ku xamdiya iyo kuwo duray ka qaada wanaaga oo sharka , basanbaaska iyo eedaadka dadka reer awdal ku istareexa ) sida sunaha noloshu yahay waxaad yaboohisaba waad la kulantaaye oo ( waadaanta goof diimis ah ayaad wiliqda haysaane waxaan ansax iyo toos ahayn aano ha u noqonina !!.) waar soo noqda oo dadka dhinac ka raaca oo dhiga mucaaradada madhax malehee.

 

 

 

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

 

 



Views : 125



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines